Musharax Daahir Geelle oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garowe

0
40

 

 

Musharrax Madaxweyne Danjire Daahir Maxamuud Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweyay magaalo madaxda Puntlnad ee Garowe. Musharrax Geelle wuxuu ka qaybgeli doonaa shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo 28-ka bishan ka furmaya magaalada Garowe.

Sidoo kale musharraxa iyo wafdiga la socda waxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntand ka samayn doonaan, dadaallo la xiriira arrimaha ololaha musharraxa kuwaasoo hore u qorshaysnaa, waxayna halkaas kula kulmi doonaan bulshada reer Punland qaybaheeda kala duwan, sida siyaasiyiin, ganacsato, dhallinyaro, haween iyo ururada bulshada rayidka ah.

Musharax Madaxweyne Danjire Geelle wuxuu maalmihii danbe magaalada Muqdisho ka waday dadaallo uu ku dardargelinayo ololihiisa doorashada wuxuuna si dhaw kulamo ula yeelanayay bulshada qaybeheeda kala duwan, siyaasiyiinta, beesha caalamka iyo mas’uuliyiinta dawladda.

Musharraxu wuxuu mari doonaa dhammaan gobolada dalka si uu u gaaro bulshada Soomaaliyeed intii suurgtal ah ee la gaari karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here