Madaxweyne Deni Bannaan bixii maanta ka dhacay Garowe waa mid lagu sumcad dilayo Puntland”

0
72

 

 

Madaxwaynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa caawa soo saaray go’aamo cusub oo la xiriira qiima dhaca lacagta Shilin soomaaliga ah iyo Sarifka, kaddib markii maanta bannaan bax rabshado wato oo looga soo horjeedo diidmada lacagta Shilin uu ka dhacay Garowe. Madaxwayne Deni oo bulshada kula hadlay muuqaal ay baahisay Madaxtooyadu ayaa sheegay in lacagta canshuurta ah ee dekedda Boosaaso 10% lagu qaadi doono lacagta shilling Soomaali halka lacagta taleefoonada la isugu diro ee doolarka ah aan la diri karin 10 doolar ka yar si lacagta shillinka ah u shaqayso.

Mar uu ka hadlayay inta uusan go’aamadan ku dhawaaqin cabshada bulshada iyo bannaan bax rabshado watay oo maanta Garowe ka dhacay ayaa sheegay in uusan ahayn mid la xiriira diidmada lacagta iyo sarifka balse uu ahaa mid Puntland lagu sumcad dilayo oo ay ka dambeeyeen dad ka faa’ideysanaya dareenka bulshada isla markaana dano siyaasadeed iyo arimo kale ku howlan, wuxuuna sheegay in dadkaasi dowladu taqaan iyaga iyo dadka Puntland ay is bari doonto ka dibna tilaabo ka qaadi doonto.

Waxaa uu sheegay in arrintaan lagu soo aadiyay Shir weyn oo dalka Jabuuti lagu qaban jiray, balse Garowe lagu qabanayo oo ay ka soo qayb galayaan Madax Soomaaliyeed, Siyaasiyiin, Musharaxiin Madaxwayne ,Aqoonyahan iyo bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan isla markaana maanta ay Garowe imanayeen wufuud kala duwan oo shirkaas ka qayb galaysa dadka bannaan baxa abaabulayna ay yihiin kuwo ka xun in Puntland qaadato doorkeedii shariifka ahaa ee ay ku lahayd Siyaasada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in mar walba oo ay arimo muhiim ah dhacayaan ay caado noqotay in arrinta maanta oo kale la abaabulo, si muqaalka Puntland iyo doorka ay ku leedahay siyaasada Soomaaliya loo fool xumeeyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha oo hadlayey dhowr iyo toban daqiiqo waxaa wajigiisa laga dheehan karay sida uu uga xun yahay arrintii maanta Garowe ka dhacday inta badan hadalkiisana wuxuu ahaa Hanjabaad la xiriirta in uu tilaabo ka qaadayo dadkii ka danbeeyey oo uusan marna bulshada u sheegin cida ay yihiin iyo wax cadaynaya danaha Siyaasadeed ee ay ka leeyihiin arrintan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here