Booliska Hir-Shabeelle oo xiray Shaqsiyaad Dhaliilay Maamulka Cusub ee Hirshabeelle

0
45

 

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ee ka howlgala Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Maanta xireen laba Shaqsi oo Caan ka ah Magaaladaas.

Labada Shaqsi ee la xiray ayaa waxaa ay kala yihiin Cali Daahir Xeroow Cali Kuluc oo ka mid ahaa wariyaashii hore ee ka howl gali jiray Baledweyne iyo Xasan C/raxmaan oo loo yaqaano Xasan Habi ahna madaxa suuq geynta Shirkadda Korontada Baledweyne Dayax Power Supply.

Laamaha Amniga Magaalada Beledweyne wax faah faahin ah kama bixin sababaha keenay xariga labada Shaqsi, hayeeshee dad Beledweyne ku sugan ayaa waxaa ay sheegeen inay kasoo horjeesteen habka loo dhisay Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Beledweyne lagu xiray Wariye Cabduqaadir Faarax Dulyar oo Wareystay Janeraal Xuud oo maleeshiyaad badan ku heysta duleedka Beledweyne iyo Wariye Maxamed Cusmaan Makaraan xilli uu Xabsiga ku booqday walow markii dambe la siidaayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here