Xildhibaan Muudeey oo Jawaab adag kabixiyay Hadal kasoo yeeray Goodax Barre

0
66

Xildhibaan Xasan Cabduqaadir Muudeey oo kamida xildhibaannada dowladda Hirshabelle State ayaa si kulul ugu jawaabay hadallo kasoo yeeray wasiirkii hore ee waxbarashada dowladda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo ku aaadanaa in Hirshabelle State guuladarradii ciyaarta kala kulantay lamid tahay siyaasadda lagu hogaamiyo.

Muudeey ayaa bartiisa facbooka kaga jawaabay,wuxuuna u qornaa sidaan :-

“Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre xittaa banoonigii ciyaartooydeena maanta ciyaareen ayuu si aan ganbasho laheyn u siyaasadeeyay,waana qeyb kamida isku dhax-yaaca siyaasiyiinteena qaar ee walaalkeey Goodax kamid yahay .

“Waxaan leeyhaay walaalkeey Goodax waxaa maanta ciyaarayay waa dhallinyaradii aad wakiilka uga aheyd siyaasad ahaan dowladda dhexe ee mudnaa in aad gubaabiso,garab istaagto ee ma mudaneyn iyagii magaceena guud sharafkiisa nagu matalayay aad jawaab uga dhigto xil-raadintaada kuu gaarka ah.

“Walaalkey Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxaan u sheegayaa kubadda cagta inay cad iyo madow tahay, weligeydna waala kala badin jiray, mana ahan wax nagu cusub.”

“Ciyaartoyda Hirshabelle waxay galabta soo bandhigeen ciyaar aad iyo aad u wanaagsan, dadka oo dhan-na way ka markhaati kacayn, laakiin nasiibka ayaa dhanka kale noqday, waana ugu hambalyeynay walaalahayn Galmudug guusha ay gaareen.”

“Haddii maanta nalaga badiyay, berri ayaan badinaynaa, taas ayaana loo baahanyahay inuu nala fahmo walaalkey Goodax, isla-markaana uusan siyaasadeyn kubadda cagta iyo is dhexgalka bulshada.

“Sportska waa aalad kamida isdhaxgal bulsho kana hufan abuuridda khilaafyada siyaasadeed ee lagu kala aragti duwan yahay macna ahaanna kama tarjumeyso siyaasadda gaarka noo ah ee Hirshabelle State leedahay.

“Cabdullahi Goodax waxey ku wanaagsaneyd halkii uu qoraal uu ugu gefi lahaa ciyaartooydeena uu qaadto doorkii aan maanta u muujinnay ciyaaryahannadeenna,taasoo waajib ku ah ruux kasta oo mas’uul ah ama aan mas’uul aheyn ee ku aftirsada deegaan-weynaha Hirshabelle State .

“Waxaan ugu danbeyn tusaaleeynayaa Xil. Goodax ciyaartii maanta dhacday way ka duwan tahay ciyaaraha siyaasadeed ee aan adiga iyo aniga ku kala aragti duwannahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here