Wariyaal Lagu Xiray Baladweyne oo Dibloodaayay

0
42

Weriye Cabdulqaadir Maxamed Faarax Dulyar iyo weriye Maxamed Cismaan Makaraan ayaa xabsiga laga sii daayay kadib markii ay ciidamada ammaanka magaalada Beledweyne ay xireen.

C/qadir Dulyar oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa xalay xabsiga loo taxaabay kadib markii uu baahiyay muuqaal kooban oo ku saabsan wareysi uu la yeeshay General Abuukar Xuut oo madax ka ah jabhad ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle.

Sidoo kale Agaasimaha Idaacadda Hiiraanweyn ahna guddoomiyaha ururka warbaahinta ee SOMMA Maxamed Cismaan Makaraan ayaa la xirey saaka kadib markii uu ku booqday xabsiga weriye Dulyar.

Dadaalo ay sameeyeen bahda saxaafada ayaa suurtogelisay in la sii daayo saxafiyiintan, ururada u dooda saxaafada ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here