(SAWIRRO) RW Rooble oo Kulan Laqaatay odayaasha dhaqanka & Dhalinyarada Gobalka Mudug

0
50

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo  magaalada Gaalkacyo kulan kula yeeshay Odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada nabadda iy dhexgalka bulshada ayaa ugu baaqay in la xoojiyo nabadda, wadajirka shacabka gobolka Mudug iyo in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagixisada.

Waxuu uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaruhu odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin ammaanka iyo horumarka bulshada gobolka, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan doorkooda.

Eng. Rooble  ayaa adkeeyay in ay nabaddu asaas u tahay horumarka, loona baahanyahay in markasta laga shaqeeyo. Waxa uu intaas ku daray in odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada gobolka waajib ka saaran yahay ilaalinta nabadda iyo in cadowga wadajir looga hortago.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa salaan sharafeed ugu tagey hoyga uu ka dagan yahay magaalada Gaalkacyo Islaan Bashiir oo kamid ah salaadiinta gobolka Mudug.

22

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here