Jubbaland oo War-saxaafadeed kasoo saartay xaalada G/Gedo

0
358

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Warsaxaafadeed kasoo saaray faragelin iyo khal-khalka amni oo ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka waddo degaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Jubbaland.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay dhowr jeer kasoo saareen baaqyo ku Aaadan in Dowladda Federaalka Soomaaliya faragelinta ka joojiso Gobolka Gedo, hayeeshee ay dhegaha ka fureeysatay, sidoo kalena maalmihii la soo dhaafay hub iyo Ciidan horleh la geeyay Gobolka Gedo.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa sheegtay in cawaaqib xumada ka dhalata dhibaato ay sheegeen in ay DFS ka waddo gobolka Gedo uu masuuliyadeedda dusha saaran doono Madaxweynaha wakhtiga xilheyntiida uu dhammaadka yahay ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here