(SAWIRO) Dowladda oo sheegtay in howlgalo Qorsheysan lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

0
47

 

 

Ciidanka Gaarka ah ee Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen Xubno Xubno tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa laga sameeyey deegaanada Galhareeri, Cumar Beere, Maguurto Baalgure iyo Bullow oo kawada tirsan Gobollka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha Danab ee howlgalka hoggaamineysa ayaa Warbaahinta Dowladda waxaa ay u sheegeen in howlgalka lagu qabtay laba Sarkaal oo Al-Shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Siidow Mayow Xaaji iyo  Isxaaq.

Ciidamada Kumaandooska DANAB ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here