Wadooyinka Muqdisho oo Maanta Markale xiran

0
65

 

Waxaa saaka mar kale xiran qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho, iyadoo la soo dhigay ciidamada booliska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Haramcad, kuwaasoo saaka lagu arkay waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada. Ciidamada ayaa gaadiidka u diiday inay isticmaalaan, sidoo kale waxaa ciidamada ku sugan yihiin Isgoysyada waddooyinka.

Dadweynaha ayaa la arkayay iyagoo waddooyinka lugeynaya, halka meelaha qaar loo diidayo inay maraan.

Wadada Maka Al-Mukarama oo ah waddo halbowle u ah isku xirka degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka mid ah meelaha xiran.

Sidoo kale waxaa xiran wadada ka timaada Isgoyska Jubba illaa Xamar weyne, waxaa kaloo xiran wadada isku xirta degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaber ee labada Buundo.

Xirnaanshaha waddooyinkan ayaa ka dambeeyay, kaddib markii ay soo baxday warar sheegaya in bannaan bax ay qorsheynayaan mucaaradka, sidoo kale waxaa jiray qaban qaabada bannaan bax lagu taageerayay dowladda, inkastoo markii dambe la hakiyay.

15-kii bishan ayay aheyd markii bannaan bax sababay shaqaaqo uu ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka waqooyi, waxaana bannaan baxaas ka dhashay is rasaaseyn sababtay dhaawaca illaa afar qof.

Is mari waaga siyaasadeed ee ka taagan doorashada ayaa saameyn ku yeeshay shacabka Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa inuu sababo qalalaase amni.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here