Dowladda Somaliya oo heshiis dhex-dhigtay Beelo Kudagaalamay Hiiraan

0
64

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa soo gaba-gabeeyay kulan dib-u heshiin iyo is Cafin ah  oo uu qabtay laba beelood oo colaad dhawaan ku dhex-martay  Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka labada beelood, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda & Maamulka Hir-Shabeelle & xubno kale ayaa qeyb ka ahaa kulamada, iyada oo ugu dambeyn lagu guuleystay in la heshiisiiyo labada Beelood.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa uga mahad celiya labada Beelood sida ay u aqbaleen in heshiis la kala dhex-dhigo.

Colaada u dhaxeysay labada beelood ee wada dega magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sababtay in aanooyin qabiil dad aan waxba galasban loo dilo, waxaana ugu dambeyn faragelisay Dowladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here