Ciidamada Amaanka oo Joojiyay Xaflad Lagu taageerayay Musharax Dhuxulow

0
85

Ciidamada Amniga ayaa la sheegay inay caawa joojiyeen munaasabad lagu taageerayay Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo ka dhici lahaa Hotelka Afriik ee ku yaalla nawaaxiga Isgoyska KM4. Kulankan oo mid qaban qaabadiisa socotay tan iyo shalay, dad kala duwan lagu casuumay ayaa markii dadka isugu soo uruureen Hotelka waxaa amar lagu bixiyay in aan wax kulan ah la qaban karin. Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay xanibaada lagu sameeyay kulanka lagu taageerayay Musharaxnimadiisa ee ay ka soo qeyb geli lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mustaf Dhuxulow ayaa ku eedeeyay Ciidanka Nabadsugida ay ka dambeeyeen is hor-taaga lagu sameeyay kulankaas, gaar ahaan amarkaas uu bixiyay Taliska Nabadsugida.

Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa la filayaa inuu goordhow shir jaraa’id qabto oo uu kaga hadlo tallaabada looga joojiyay kulanka lagu taageerayay.

Ciidamada Amniga ayaa maanta xiray waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhanka koofureed ee magaalada, waxaana arrintan lagu sababeeyay bannaan bax laga cabsi qabay inuu ka dhaco magaalada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here