Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Kulamo Kawado Magaalada Baladweyne

0
86

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha & dib u heshiisiinta ee xukuumadda Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax oo weli ku sugan magalada Beledweyne ayaa halkaasi ka wada kulamo xal loogu raadinayo khilaafka ka dhashay doorashada Hir-Shabeelle.

Wasiirka ayaa kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Janeraal Xuud oo maleeshiyaad uu hoggaaminayo oo ku sugan degaanka Ceel-gaal ay Beledweyne u didien in uu tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe

Kulamada ayaa waxaa la sheegay in ay sidoo kale qeyb ka yihiin Odayaasha dhaqanka Magaalada Beledweyne, waxaana wararka kulanka laga helay ay sheegayaan in weli la isku mari la’yahay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan qaabka loo dhisay Hir-Shabeelle.

Kulamadaan ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli shalay Hoggaamiyaha Maleeshiyaadka la magac baxay Jabhadda xaq u dirirka Hiiraan oo lagu Magacaabo janeraal Xuud uu sheegay in muddo 15 Cisho gudahood ah ay kusoo dhisi doonan Maamul la Magac baxay Hiiraan State.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here