Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee USAID

0
67

 

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan aalada fogaan aragga ee Zoomka kula qaatay Agaasimaha guud ee Hay’adda USAID ee Soomaaliya Mr Patrick Dicksin.

Kulankaan oo ahaa mid muhiim ah waxaa looga hadlay Arrimaha Amniga, beeraha,caafimaadka iyo qoddobo kale oo muhiim u ah horumarinta dowlad goboledka Hirshabelle.

Ilo ku dhow kulanka ayaa waxa ay sheegeen in arrimaha diirada lagu saaray ay ka mid ahaayeen Isku furida wadooyinka ee u dhaxeeya degmooyinka,Tababarida & qalabeynta ciidanka booliska,Tababarida ciidanka daraawiishta iyo Dhismaha & tayeeynta hay’adaha Caddaalada.

Sidoo kale kulankan ayaa loogaga hadlay Fulinta Mashaariic horumarineed,Dhismaha wadooyinka,Dhismaha garoomada diyaaradaha iyo Horumarinta deegaanada xeebaha iyo Fatahaadaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here