Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgalo Culus Kafuliyay Gobalka Gedo

0
63

 

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo culus ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxa ay si gaar ah uga sameeyeen inta u dhaxeysa degmada Luuq iyo degaanka Yurkud ee Gobolka Gedo, halkaas oo mararka qaar ay ka dhacaan weeraro ay geystaan Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalkooda uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayay, sidoo kalena looga hortagayo falalka Amni darro oo ay geystaan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Nabad Sugida Degmada Luuq ayaa sheegay in howlgaladan ay sii wadi doonaan ilaa inta Al-Shabaab laga saarayo tuulooyinka hoostaga degmada luuq ee Gobolka Gedo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here