RW Rooble iyo Madaxweyne Deni oo Kulan ugasocda Garowe

0
76

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Kharaash.

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale.

Ra,iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale lagu  waddaa in uu kulan la yeesho Ururada bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shalay gaaray Garowe ayaa ku sugnaan doona labada maalmood ee socota.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here