Qarax Xoogan oo Kadhacay Magaalada Muqdisho iyo Faa faahino Lagahelayo

0
59

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaaerka Madaxtooyadii hore ee Cabdi qaasim Salaad ee ku taalla degmada Hodan.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lalal eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, xili ay socdaal ku marayeen agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi qaasim.

Goobjoogayaal ka Agdhawaa goobta oo la hadlay Warbaahinta ayaa  sheegay in qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidankii la qarxiyay, waxaana mar qura cidka isku shareertay uuro.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askartii la socda gaariga, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn tirada khasaaraha.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa tegay halka uu qaraxu ka dhacay, isla markaana gabi ahaan xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa wadada, waxaana la tilmaamay in goobta laga qaaday dhaawacyo.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaas ka dhacay agagaaerka Madaxtooyadii hore ee Cabdi qaasim Salaad ee ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here