Galmudug oo DFS Kadalbatay Siideynta Maxaabiis ku xiran Garoowe

0
94

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Magaalada  Muqdisho waxaa ay kula kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

Xildhibaannada oo dhawaan kasoo laabtay safar ay ku tageen magalada Garoowe ayaa kulanka waxaa ku wehlinayay  guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal , waxana Ra’iisul Wasaare Rooble ay kala hadleen Afar qodob oo kala ah.

1: Xal u raadinta Maxaabiista Reer Galmudug ee ugu xiran Xabsiga Magaalada Garoowe, kuwaas oo loo xukumay inay ka tirsan yihiin kooxaha Burcadda badeeda Soomaalida lagana soo wareejiyay  Jasiirada

2: Fududeynta iyo Culeys-saarka Mashaariicda Galmudug uga maqan Beesha Caalamaka si bulshada ku nool degaannada galmudug ay u helaan adeegyo ballaaran oo ay u baahan yihiin xilligaan.

  1. Ka Xureynta deegaannada Galmudug Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo weli ku sugan qaar ka mid ah deegaanada Galmudug, isla markaana mararka qaar weeraro ka fuliya.
  2. Gacan-siinta Maamulka Galmudug ee sugidda Amniga doorashada Federaalka ee Galmudug maadaama Galmudug ay kamid tahay degaannada ay ka dhacayaan doorashooyinka xildhibaannada labada Aqal.

Xildhibaannada ka tirsan galmudug ayaa dhawaan tegay magaalada Garoowe waxaana ay la kulmeen Madaxda sare ee Puntland, iyaga oo ka codsaday inay kusoo wareejiyaan maxaabiista xukuman ee u xiran, hayeeshee Madaxda Puntland ay diideen, iyaga oo shuruud ka dhigay in xukunada xabsiga, iyaga oo aan dhameysan la siideyn doonin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here