Mareykanka oo faah faahin Kabixiyay duqeyn uu ka fuliyey Jubbada Dhexe

0
81

 

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degaanno hoos yimaada degmada Jilib.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya 9/12/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ayka fuliyeen goob Al-Shabaab ay ku farsameyn jireen qaraxyada.

Duqeymo dhanka cirka ah oo uu Mareykanku shalay geystay, ayaa lagu sheegay in lagu dilay 10 ka tirsan AlShabaab, sida laga soo xigtay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), kuwaasoo qaabilsanaa qaraxyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalkaasi lagu burburiyay warshad sameysa qaraxyada oo Al-Shabaab leeyihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here