Cilad ku timid Aalada social Media ee Facebook

0
61

 

 

Facebook, Messenger iyo Instagram dhammaantood ayaa joojiyeen in ay u shaqeeyaan qaar ka mid ah dadka isticmaala Galinkii Dambe ee Maanta.

Barnaamijyada baraha bulshada ee ay leeyihiin Facebook ayaa hoos udhacay, sida uu sheegayo websaydka Downdetector, oo kormeera maqnaanshaha qadka.

Isticmaalayaashu ma awoodaan in ay soo diraan farriimo, waxaana marka qofku diro Fariin uu Kuu sheegayaa in Cilad kujirto Barnaamijka.

In ka badan kalabar 52% arrimaha la soo sheegay ee Messenger ayaa waxaa ay la xiriiraan dirista iyo helitaanka farriimaha, halka barta ugu weyn ee Facebook dhibaatada ugu badan laga soo sheegey ay tahay mid u dhiganta boqolkiiba 41%.

Afhayeen u hadlay Facebook ayaa u sheegay MailOnline “Waxaan ka warqabnaa in dadka qaar ay dhibaato ku qabaan dirista fariimaha Messenger, Instagram iyo Chat Workplace Chat’. Waxaan ka shaqeyneynaa in aan ku soo celino sidii caadiga ahayd” ayaa uu yiri

Barta gaarka ah ee farriimaha ee Facebook iyo Messenger ayaa umuuqata in ay wajaheyso Xaalad adag, iyadoo warbixinnada ugu badan ay ka imaanayaan UK iyo Yurub inteeda kale.

Instagram iyo Facebook waxay la kulmayaan cabashooyin boqolaal gaaraya, laakiin Messenger  ayaa ah waxa u Daran ee dhibaata kumanaanka ah ka imaanayaan, sida uu sheegay Website-ka Downdetector.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here