Askar Lagu Helay Dambiyo Dil Ah oo Xukun laguriday

0
61

Maxkamadda Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga gal dacwadeed la xiriira fal dil ah, sidoo kalena xukun ku riday askar lagu helay inay dil geysteen.

Lix Askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa kasoo muuqday Maxkamadda, waxana Afar kamid ah loo heystaa inay jirdil xoogan oo ay u geysteen nin lagu Magacaabi jiray  Nuur Axmed Cabdulle uu u geeriyooday halka labada kale loo heystay dil loo geystay Haweeneey & Askari ka tirsan Ciidamada Jubland.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland Kabtan Nuur Xasan Axmed  ayaa sheegay in Weeyrax Khaliif Yuusuf loo heysto in uu fal dil ah u geystay Marxuumad Xaliimo Cali Rooble 27/11/2020, halka Xasan Xuumay Axmed oo ahaa Taliye ka tirsan Ciidamada Daraawiishta  jubbaland uu fal ciqaab jirdil ah ah uu u geystay mid kamid ah Askartiisa oo lagu Magacaabi jiray dable Cabdi xamiid Abuukar iimaan uu geeriyooday.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Afar askari oo ka tirsan Ciidamada booliska Jubbaland loo heysto in jirdil xoogan oo ay u geysteen qof Shacab ahaa uu geeriyooday.

Guddoomiye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in Afarta askari lagu xukumay Magta qofkii ay dileen oo Boqol Halaad ah una dhiganta 50, 000 oo Dollar oo ay kala bixinayaan 30,00o ehellada Ciidamada halka 20,000 ay bixineyso hay’adda Dhulka Jubbaland.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa horay waxaa ay xukuno kala duwan ugu riday Askar loo heysto dilal iyo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay howlgallo laga sameeyay Magaalada kismaayo & degaannada kale ee jubbaland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here