Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo Maanta Kulan Xasaasi Ah Kuyeelanaya Muqdisho

0
144

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee dalka ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan Hotelka Jasiira ee Magaalada muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadldi doonaan wixii kusoo kordhay xaalada dalka iyo mowqifkooda ku aadan sida ay howlaha doorashooyinka dalka u wado Villa Soomaaliya maadaama dhowr jeer ay cabasho gudbiyeen.

Wararka horudhaca ah ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ay maanta soo saari doonaan Go’aano Cusub oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulanka ay Maanta ku yeelanayaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili shalay madaxdii ka socotay Beesha Caalamka ee ka qeyb gashay shirkii muqdisho ka dhacay dhamaantood ay isku raaceen in dalka ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo wada ogol ah, taasoo ah talo soo jeedintii  Midowga musharixiinta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here