Trump oo ku cadaadinaya Barasaabka Georgia in uu Kala shaqeeyo sidii loo laali lahaa guusha Biden

0
425

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadiyay barasaabka gobolka Georgia oo ah xubin ka tirsan xisbiga Jamhuuriga inuu gacan ka siiyo sidii loo laali lahaa guushii doorashada Joe Biden uu ka soo hooyay gobolkaasi.

Trump oo qoraallo dhawr ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ku boorriyay, Brian Kemp, inuu isugu yeero fadhi gaar ah oo ay yeeshaan golaha sharci-dejinta gobolkaasi.

Madaxweyne Trump ayaa wali diidan in uu aqbalo in doorashada looga adkaaday, wuxuuna caddeyn la’aan ku andacoonayaa in guusha Biden ay ku timid khiyaano.

Waxa uu loollan dhanka sharciga ah geliyay guusha Biden, balse inta badan dacwadihii uu hor geeyay maxkamadaha ayuu ku guul-darreystay.

Gobolka Georgia ayaa ahaa gobol muhiim ah oo aad loogu loolamayay, waana markii ugu horreysay tan iyo 1992 oo musharrax ka tirsan Dimuquraadiga laga soo doorto gobolkaasi.

Gobolkan ayaa waxaa bisha Janaayo ka dhihi doonto doorasho ku celis ah oo lagu tartamayo aqalka sare. Haddii musharraxa xisbiga Dimuquraadiga uu ku guuleysto doorashadaasi, taa waxay ka dhigan tahay in xisbiga Jamhuurigu uu luminayo aqlabiyaddii uu ku lahaa aqalka sare.

Sida uu qoray wargeyska the Washington Post, madaxweyne Trump ayaa ka codsaday barasaabka gobolka Georgia uu dalbado in baaritaan iyo dib u eegis baaxad leh lagu sameeyo saxiixa kaararka codbixinta balse barasaabka ayaa arrintaasi ku gacan seyray maadaama uusan sharci ahaan awood u lahayn arrintaasi.

Dhanka kale, Trump oo ka qeyb galayay isu soo bax siyaasadeed oo uu ugu ololeynayo musharraxa xisbigiisa ku matali doono aqalka sare ayaa sheegay in isagu uu ku guuleystay doorashadii dalka ka dhacday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here