Tigray oo sheegay in dagaalka Itoobiya Ay ku afduubteen10,000 Askari

0
64

Tan iyo markii uu dagaalka ka billowday deegaanka Tigray ee dalka Itoobiya waxaa adkeyd in la helo xog rasmi ah oo ku saasban waxa ka socda gudaha Tigray maadaama ay taleefannada iyo interneetkaba go’an yihiin.

Toddobaadyo ka horna guddoomiyaha TPLF Dr Dabretsion Gabre-Michael wuxuu sheegay iney qabsadeen in ka badan 10,000 oo askari oo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee dowladda Federaalka Itoobiya.

Dhinaca kalana, dowladda dhexe ee Itoobiya waxay sheegtay 7,000 oo askari oo ka mid ah ciidamada ay xoogagga TPLF qafaasheen iney soo badbaadiyeen. Halka marki ay ciidamada dowladda dhexe magaalada Maqale qabsadeen kaddib xoogagga TPLF ay sheegeen ciidamadi federaalka ee ay qabsadeen iney sii daayeen.

Balse weli ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheekashada labada dhinac.

Boqollaal askari oo ka mid ah ciidamadi ay qafaasheen xoogagga TPLF waxay maalma ka hor soo gaareen Waghimra iyo Semen Gonder oo ka tirsan deegaanka Amxaarada.

Haddaba ciidamadi dhowrka toddobaad gacanta booliska gaarka ah ee Tigray gacantooda ku jiray ayaa warbaahinta uga warramay wixi dhacay iyo xaaladdi ay ku sugnaayeen.

Abraham uxuu sheegay 22 maalmood inuu gacanta TPLF uu ku jiray balse uu sheegi Karin ciidamada dableyda u badan oo isaga ka hooseeyey xaaladdooda waxa ay ku sugan yihiin.

“Xilli ay saacaddu mareysay 12-ki saqdi dhexe ayaan maqlay xabbaddii ugu horreysay, markaasaan hurdada ka soo boodaay, hurdada markaan ka toosay waxaan ka warhelay rasaas aan kala joogsi laheen oo dushannada ka dhaceysa iyo booliska iyo maleeshiyaadka Tigraay oo na hareereeyey.”ayuu yiri.

Waxuuna Abraham intaasi ku daray ciidamadi kale ee xerada ku sugneedna xabbaddi ku billaabatay 2-di habeennimo ilaa iyo 4-ta subaxnimo iney socotay, ciidanki dowlada ee dagaallamayayna maadaamaa ay rasaasti ka dhammaatay bakhaarki hubkana laga qabsaday waddada u furneyd ay ahayd iney isdhiibaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here