Madaxweynaha Kenya oo digniin udiray Wadamada Shisheeyaha xilli uu khilaaf kala dhaxeeyo DFS

0
64

 

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa digniin u diray dalalka shisheeyaha isla markaana ka codsaday in aanay soo faragelinin arrimaha gudaha ee Kenya, sida ay ku warrantay warbaahinta The Citizen.

Wuxuu sheegay in Kenya aysan ogolaan doonin in wax loo yeeriyo balse ay soo dhawaynayaan wadashaqeynta dalalka caalamka.

“Waxaan idiinka codsaneynaa in aad joojisaan isku dayga ku aadan in aad hagtaan, waxaa inoo cad halka aan dooneyno in aan aadno, waxaana idiin ka codsaneynaa in aad nagu soo biirtaan si aad noogu taageertaan si aan wax u qabsanno balse hana soo faragelinina, ma ogolaaneyno in aad wax inoo yeerisaan oo aad ina hagtaan” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xiisada diplumaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay xoogeysatay, isla markaana aan xal laga gaarin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here