C/raxman C/shakur oo Madaxda Dowladda oo Ku eedeeyay inay fidno ka dhex-abuureen Bulshada Hir-Shabeelle

0
76

 

 

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in hadda degaannada hir-Shabeelle waxa ka soca uu horay uga digay, kadib markii uu ku baaqay in dib u heshiisiin wax walba laga hormariyo balse dhegaha laga fureystay.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa  qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in Dowladda Federaalka fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada jubbaland iyo Hir-Shabeelle, dalka intiisa kalana doorasho boob ah ay doonayaan in ay ka sameyaan.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Waxaan horay ugu baaqnay in dib u heshiisiin laga hormariyo doorashooyinka Hir-Shabeelle, laakiin hoggaanka Dowladda Federaalka dhagaha ayuu taladaas ka fureystay. Kacdoonka shacabka ee Hiiraan ka taagan waa natiijadii ka dhalatay dib u heshiisiintii la iska indhatiray. Waxey kaloo tusaale horu dhac ah u tahay mugdiga kusoo wajahan dalkeenna. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa maamulka, siyaasiyiinta iyo waxgararka Hir-Shabeelle in aan dhamaanteen si masuuliyad leh isaga xil saarno xal u helidda mushkiladda Gobolka Hiiraan ka taagan, lagana fogaado ficil kasta oo dabka bansiin ku shubaya.

Hoggaanka dawlada Federaalka wuxuu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada jubbaland iyo Hir-Shabeelle, dalka intiisa kalana doorasho boob ah ayey doonayaan in ay ka sameyaan.

Shacabka Soomaaliyeed waa in uu meel uga soo wada jeestaa sidii looga hortegi lahaa fidnada maamulka muddada yar u hartay ee Madaxweyne Farmaajo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here