Khilaafka Kadhexjira Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo Cirka Iskusii Shareeraya

0
71

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa maanta siwyen looga dareemayaa mooshino iska soo horjeeda oo kala dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka puntland & mid ka dhan ah xildhibaan mucaaradsan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Puntland la dhigay Wadooyinka soo gala & kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka oo Maanta kulan xasaasi ah uu ka jiro ,iyaga oo xiray wadooyinka oo dhan.

Warar kale oo soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maleeshiyaad daacad u ah Afhayeenka Baarlamaanka ay kasoo baxeen Magaalada Badhan, waxaana Maanta laga cabsi qabaa in gacan ka hadal  uu ka dhaco xarunta baarlamaanka, xili Guddoomiyaha uu  doonayo in golaha laga saaro kudhawaad 8 xildhibaan, halka xildhibaanana ay doonayaan in xilka laga qaado Afhayeenka Baarlamaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here