Al-shabaab oo Weerar Jidgal Ah Kuqaaday Ciidamo Katirsan Maamulka KGS

0
86

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal degaano ka tirsan gobolka Baay ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay Al-Shabaab weerar jidgal ah ku sameeyeen gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, xilli ay marayeen wadadda isku xirta magaalada Baydhabo iyo deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal socday in ka badan saacad uu dhx-maray labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaasi ku dileen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay weli kama hadlin weerarkaas, balse waxaa lagu soo waramayaa inay Ciidamada socdaalkoodii iska sii wateen, sidoo kalena ay sameeyeen howgallo kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here