Al-shabaab oo Soobandhigay Gadiid Dagaal oo Ay kuqabsadeen Dagaalkii Bacaadweyne Iyo Maamulka Mudug oo Kahadlay

0
420

Al-Shabaab ayaa shalay baraha ay ku leeyihiin internet-ka waxaa ay usoo badnhigeen Sawirada Gaadiid dagaal iyo Hub ay ku qabsadeen dagaalkii Maalin ka hor ay degaanka Bacaadweyne ee koonfurat gobolka mudug kula galeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana arrintaasi ka hadlay maamulka galmudug.

Guddoomiyaha degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug Axmed Daahir Macalin ayaa qiray inay Al-Shabaab Gaadiid dagaal ku qabsadeen dagaalkaas, waxaana uu sheegay in gaadiidka uu yaalay duleedka degaanka, isla markaana Al-Shabaab ay sidaasi ku qaateen.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in  Ciidamada Dowladda iyo dadka degaanka Bacaadweyne ay iska difaaceen weerarkii kaag yimid Al-Shabaab, sidoo kalena ay Xubno badna ka dileen.

Maamulka Galmudug ayaan weli sirasmi ah uga hadlain dagaalkii ka dhacay degaanka Bacaadweyne, hayeeshee  Dowladda Soomaaliya ayaa ku bgaadisay dadka degaanka & Ciidamada Dowladda weerarka kaag yimid Al-Shabaab oo ay iska difaaceen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here