Dowladda Soomaaliya oo Guulo Kasheegatay dagaalkii Bacaadweyne

0
453

Dowladda Soomaliya ayaa bogaadineysay dagaalkii shalay Alshabaab iyo Ciidanka dowladda ku dhexmaray degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya mudane Cismaan Dubbe ayaa yiri “Taliska  Ciidanka Xoogga Dalku waxa uu xaqiijiyay in laga dilay Al-Shabaab 51 qof oo ka  tirsan maleeshiyadooda, lagana qabtay lix (6) qof oo dhaawac ah oo uu ku jiro
horjoogihii weerarka hogaaminayay. Waxaa sidoo kale ku dhintay 15 qof oo isugu jira  Askar iyo Shacab”.

Sidoo kale Wasiirka oo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya waxa uu tacsi u diray  ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi ee isugu jira shacab iyo askar, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay muwaadiniinta dhaawacyadu ku soo gaareen dagaalkaas.

Dowladda Soomaaliya  waxay tilmaamtay in ay caddaalada horkeeni doonto kooxdii ka dambeysay weerarkaas.

“Dowladda Soomaliya waxa ay ku bogaadineysaa  Shacabka degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug dagaalkii geesinimada lahaa ee ay kaga hortageen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab iyo sidii ay isu barbar taageen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray howl-galkii ay uga hortageen weerar ay kooxda  argagixisada Al-Shabaab ku soo qaadday degaankaas shalay Isniintii 30-kii November, 2020” ayaa lagu yiri warka dowladda kasoo baxay.

Warka dowladda ayaa intaas kusii daray “Dowladda Soomaaliya waxa ay caddaaladda horgeyneysaa horjoogayaasha iyo  maleeshiyaadkii lagu qabtay dagaalkaasi si waafaqsan shuruucda dalka, waxaana ka  go’an Xukuumadda Federaalka ah boqolka maalmood ee ugu horreysa in guulo la
taaban karo ay ka keento dagaalka ka dhanka ah argagixisada”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here