Kenya oo sheegtay in aanay warqad rasmi ah ka helin Dowladda Soomaaliya (War Saxaafadeed)

0
108

 

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in aanay ka helin warqad rasmi ah oo ku saabsan codsiga dowladda Soomaaliya u dirtay in Safiirka Kenya Lucas Tumbo inuu ka tago Muqdisho, una yeeratay Safiirkeedii Nairobi u joogay Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

War saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay inay ka xun tahay go’aanka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay ixtiraameyso madax bannaanida dhuleed, midnimo iyo madax banaanida siyaasadeed ee wadamada oo dhan.

Kenya ayaa sheegtay inay sii wadeyso taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed ee la xiriira xasilloonida iyo nabadgelyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here