Jubbaland oo shaacisay sababta ay u soo magacaabi la’dahay Xubnaha Guddiyada doorashooyinka

0
373

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha keenay inaysan gudbin xubnaha Guddiyada doorashooyinka Heer Dowlad goboleed oo laga sugayo maadaama ay Guddiyada dhankooda gudbiyeen Maamulada, Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in Jubbaland marnaab gudbin doonin Guddiyada ilaa dowladda Federaalka ay ka fuliso heshiisyadii ay la gashay Maamulka Jubbaland

Waxaa uu  Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobolleedka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan  ku eedeeyay Madaxda Dowladda federaalka in aysan fulin  balan qaadki ahaa inay Maamulka Jubbaland u madax bannaaneyso Gobolka Gedo si doorashada loogu qabto.

Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la fuliyo balan qaadkii ay sameeysay dowladda Federaalka & heshiiskiidoorashada, hadii ay dhici weysana wixii ka yimaada ay qaadayaan Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya.

Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya & Maamulka Jubaland ayaa weli taagan, iyada oo bil walba uu xooganeysanayo, waxaana labada dhinac ay u muuqdaan kuwo aan ka tanaasulin waxyaabo badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here