Magaalada Muqdisho waxaa muddo lix maalin oo xiriir ah uu kulan uga socday musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo kulankooda uga hadlayay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya & walaac ay ka qabaan Guddiyada doorashooyinka ee la Magacaabay.
Maalmihii uu kulanka socday ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, Urrurada Bulshada rayidka, Ganacsatada Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, Cullimada Soomaaliyeed, Madaxda Warbaahinta, & Wakiilada Beesha Caalamka waxaana munaasabad ka dhacday muqdisho Maanta laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 18 qodob.
Madaxweyne Farmaajo ayay ku eedeeyeen in uu baal maray heshiiskii doorashada ay gaareen Madaxweynaha, Madaxda dowlad goboleedyada dalka kajira & Dowlad goboleedyada.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu Guddiyada doorashooynka kusoo daray Xubno ka tirsan Hay’adda NISA , Shaqaalaha dowladda iyo Xubno ka tirsan Hab maamuuska Madaxweynaha.
1: In la kala diro guddiyada doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed laguna soo Magacaabo wadatashi ay yeesheen, Madaxda Dowladda, Dowlad goboleedyada iyo musharixiinta Madaxweynaha.
2: In Guddoomiyaha Aqalka Sare uu sharciyad buuxdo u helo in uu soo Magacaabo guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee hagaya doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi laguna qabto doorashada Xerada Ciidanka Cirka ee Afisooni, iyada oo ay goobjoog ka noqonayaan Wakiilo ka socda musharixiinta, Beesha Caalamka, Booliska Soomaaliyeed & kan AMISOM.
3: In Magacaabista guddiyada Doorashada Xubnaha Xildhibannada Beelaha Baaadir loo madax banaaneeyo Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beelahaas, laguna qabto doorashada Xerada Ciidamada Cira ee Afisooni, goobjoogna ka noqdaan Wakiilo ka socda musharixiinta, Beesha Caalamka, Booliska Soomaaliyeed & kan AMISOM..
4: In Dowladda Federaalka ay si deg deg ah uga la soo laabato Maamulka Sharci darrada iyo Ciidamada ay geysay Gobolka Gedo si loo ilaaliyo midnimada Jubbaland maamulkana dib ula wareego degaanka si ay ugu fududaato qabashada doorashada.
5: Xulista Ergada ay iska kaashadaan Odayasha Dhaqanka iyo Bulshada rayidka ee Beesha Kursiga leh dowrka dowlad Goboleedkana ku ekaado diiwaangelinta sida uu dhigayo heshiiskii siyaasadeed ee Golaha wadatashiga Qaranka ee uu baarlamaanka waxka bedelista ku sameeyay.
6: In Dowlad goboleedyada aysan guda gelin qabashada doorasho aan lagu waafaqsaneyn una sinaadaan musharixiinta taageerayaashoodana aysan u gaar yeelin musharax gaar ah.
7: in loo howlgallo xaqiijinta qoondada Haweenka 30 % ah
8: In la helo kor joogto ka socda, Urrurada Bulshada Rayidka, Qareenada, Musharixiinta Maadaxweyna Beesha Caalamka si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka dalka.
9 In guddoonka & Xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay qaataan kaalintooda ku adan ilaalinta ku dhaqan Dastuurka KMG ah & dhamaan shucruucda kale ee dalka gaar ahaan qodobada quseeyo doorashooyinka Qaranka.
10: Sidoo kale Musharixiinta ayaa soo saaray Go’aano ku aadan Ammaanka doorashooyinka.
11: In Madaxda Dowladda ay ka saaraan dhamaan Ciidamada Qalabka sida ku lug yeelashada howlaah doorashooyinka sida uu dhigayo qodobka 127aad ee Dastuurka.
12: In , iyada oo la cuskanaayo mabaadi’da ku xusan dhamaan faqrooyinka qodobka 127aad ee Dastuurka KMG ah uu taliyaha Hay’adda Nabadsugida Fahad Yaasiin uu baneeyo xilka Hay’adda NISA maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada musharax Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo sugo dhex dhexaadnimada Hay’adda NISA.
13: In Amniga doorashooyinka sugaan kaliya Booliska Soomalaiya & kana AMISOM laga fogeeyo Millateriga iyo Nabadsugida.
14: In uu joojiyo Madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanayo ku tagrifalka dhaqaalaha dalka iyo in uu adeegsqado Hantida dalka, xafiisyada dowladda, Ciidanka & Shaqaalaha ka tirsan dowladda ku daneysiga ololihiisa doorashoyinka.
Ugu dambeyn musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saareen Go’aan guud oo ah
15: n Golaha Musharixiinta ay ka niyad jabsan yihiin in dowladda Federaalka ay ku fashilantay xaqijinta himilooyinka Shacabka & qabashada doorasho qof iyo cod ah, Xubnaha Golaha waxaa ay mustaqbalka xil iska saarayaan xaqiijinta doorasho qof iyo cod ah si shacabka loogu celiyo awooda.
16: Goluhu waxaa uu isku raaca dhismaha Guddiga badbaadinta doorashooyinka Qaranka oo ay xubno ka yihiin qeybaha kala duwan ee Bulshada, sida Ganacsatada, Odayaasha Dhaqanka, Ururada Bulshada rayidka, Culimada, haweenka iyo Dhalinyarada si loo xaqiijiyo samatabixinta dalka iyo qabashada doorasho hehsiis lagu yahay si xilliga kala-guur ah, xasiloonida & midnimada dalka loo ilaaliyo.
17: Goluhu waxaa uu ugu baaqayaa Madaxda Dowladda federaalka ah saaxadaha siyaasadeed, ogolaadaan xorriyada saxaafadda oo ay ku jirto Warbaahinta Qaranka, caburintana ka daayaan hoteeada lagu qabanayo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee la xiriira ololaha doorashada.
18: Ugu dambeyn Golaha musharixiinta ayaa waxaa ay sheegeen hadii ay dowladda qaado tallaabo lagu taaba gelinayo doorasho aan heshiis lagu aheyn in iyaga oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee Bulshada & dowlad Goboleedyada ay ka Shaqeynayaan hanaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo si uusan u dhicin firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah.