RW Rooble oo farriin u diray Musharixiinta Mucaaradka

0
152

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Guddiyada doorashooyinka oo ay ka cabanayaan musharixiinta Madaxweynaha & Xubnaha mucaaradka.

RW Rooble oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Magalada Baydhabo ayaa sheegay in Magacaabista Guddiyada doorashooyinka ay qeyb ka ahaayeen heshiisyadii doorasho ee ka kala dhacay Dhuusamareeb iyo Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in ay jiraan musharixiin walaac ka muujiyay Guddiyada la soo Magacaabay, isla markaana uu diyaar u yahay markasta sidii uu u fahamsiin lahaa waxaa ay yihiin Guddiayda la Magacaabay.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in uu la sameyn doono wadatashi si uu uga dhaadhiciyo in guddiyadu ay yihiin kuwo macno leh oo Ummadda ka gudbinaayo doorashada.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli musharixiinta Madaxweynaha ay diidan yihiin Gudiyada doorashoyinka, sidoo kalena Maanta la filaayo inay go’aano kasoo saran shirka uga socdo Magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here