Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa edeyn kulul u jeediyay Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo uu shirka uga socdo Magaalada Muqdisho.
Laftagareen oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sheegay in musharixiinta ku shiraya Muqdisho kaliya aan loo baahneyn in ay xumaanta wax walba ka eegaan balse loo baahan yahay inay fiiriyaan waxa wanaagsan ee la qabtay iyo wixii ay iyaga horay u soo sameeyeen
“Dadka shiraya ee diiddan Guddiyada maaha inay xumaan ka eegaan waxa wanaagsan ee aan samaynayno dib ha u fiiriyaan waxay hore usoo sameeyeen, waxaan leeyahay ha u xiisina wixii xumaa ee aad hore u soo sameyseen ayuu yiri” laftagareen.
Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka jawaabayay hadallada qaar musharixiinta ay uga dalbadeen Madaxda Dowlad goboleedyada inay dhex dhexaad ahadaan hadii aysan u hiilin Karin, waxaana uu sheegay in Madaxda Maamul goboleedyada, iyaga oo aan fiirineyn 4.5 ay dhex-dhexaad u noqon doonaan xaalada doorasho ee kajirta dalka.
C/casiis Lafta Gareen oo u jawaabayay C/raxmaan C/shakuur hadalkii uu maanta jeediyay ayaa yiri “Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaan leeyahay anagoon 4.5 eegin ayaan dhex idiin noqonaynaa”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) waxaa uu sheegay in degaannada koonfur Galbeed ay ka qabsoomi doonaan doorashooyin xur iyo xalaal ah oo dadka ay ku qanacsan yihiin.
Musharixiinta shirka uga socdo magaalada muqdisho iyo xubnaha mucaaradka ayaa kasoo horjeestay Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed, iyaga oo sheegay in laga soo xulay Hay’adda NISA & Shaqaalaha dowladda.