Xeerilaalinta Itoobiya oo amartay in lasoo xiro 167 qof

0
68

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro 167 qof oo lala xiriirinayo dagaalka ka taagan gobolka Tigray.

Bayaan kasoo baxay xeer ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in TPLF ay wadaan dambi halis ah sida ku xusan sharciga la dagaallanka dambiyada dalka.

Wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday ciidamada xoogga dalka uu ahaa tallaabo dambi ah oo la doonayay in ‘lagu wiiqo awoodda difaaca ee dowladda’

Xeer ilaaliyaha federaalka Gedion Timothewo wuxuu ku tilmaamay gantaalladii lagu garaacay gobolka Amxaarada inay ahaayeen falal argagixiso.

Waxaa Arbacada ku eg saddexdii maalmood ee loo qabtay inay isku soo dhiibaan xoggaga TPLF iyo madaxdooda.

Hoggaamiyaha TPLF waxaa kale uu sheegay shacabkiisu iney diyaar u yihiin iney u dhintaan difaacidda xuquuqda ay u leeyihiin iney deegaankooda iyagu maamulaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here