Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee ku shirsan Muqdisho ayaa gudoomiye u doortay Shariif Sheekh Axmed, Afhayeenka Guddiga ayaa loo doortay Ridwaan Xirsi halka xogheynta guddiga loo doortay Xuseen Cabdi Xalane.
Shirka Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo maalinti Afaraad ka socda magaalada Muqdisho ayaa lagu casuumay Ganacsatada iyo Haweenka Soomaaliyeed.
Shirka oo uu Guddoominayo Madaxweynihi hore ee dalka ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhageysan lahaa qaybaha bulshada gaar ahaan walaaca Ganacsatada iyo Muhiimadda kaalinta Haweenka, iyadoo xilli sii horreysay oo saakay ahna shir gaar ah lala yeeshay Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed.
Wakiilada beesha caalamka oo aalada Zoomka kaga qeyb galaya, ayadoona gelinka dambe ee maanta la rajeynayo in lasoo gabogabeeyo shirka, lagana soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin musharixiintan oo ku aadan doorashada 2020 – 2021 ee Soomaaliya.
Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ayaa horay ula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.