AMISOM oo ku dhawaaqday in ay ka qeyb qaadanayso Amniga doorashada

0
339

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb Francisco Madeira ayaa warbixin ka siiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya .

Waxaa uu sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay in si ballaaran ay uga qeyb qaato doorashada Ammaankeed, isagoo xusay in ay mar hore bilaabeen qorshaha taageerada Ammaanka.

Wuxuu ku celiyay Midowga Afrika rabitaankiisa ah inuu arko kaqeybgal buuxa haweenka ee doorashooyinka soosocda, isagoo xusay in lagu guuleysto qoondada 30 boqolkiiba haweenka.

Wuxuu soo tilmaamay in AMISOM ay gudaneyso waajibaadkeeda ah inay taageerto dowlada Soomaaliya si loo diyaariyo loona qabto doorashooyinka.

Taageerada dhinacyada badan leh waxaa ka mid ah howlgalada wadajirka ah, qorsheynta amniga, tababarka amniga doorashada ee booliska Soomaaliyeed ee ku sugan maagaalooyinka doorashada lagu qabanaayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here