Xubno horleh oo ku biiray Shirka Musharixiinta uga socdo Muqdisho

0
368

 

 

Qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maanta ka qeyb galay shirka midawga musharrixiinta ee looga tashanayo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta.

Shirka oo galay maalintii sedaxaad ayaa musharrixiintu waxay ballaariyeen dadka ka  qeyb gelaya, waxaana shalay si gooni gooni ah aragtiyadooda ula wadaagay bulshada rayidka ah, odayaal dhaqan iyo culimo Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo la hadlay dhallinyarada ayaa sheegay in dhallinta Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin talada dalka, isagoo tilmaamay in xiligan kala guurka ah aan dhallinyarada looga maarmin talooyinka wax lagu sixi karo.

Sidoo kale shirka waxaa maanta ka qeyb-galay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyioo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Maanta ayaa qorshuhu ahaa in shirka la soo geba-gabeeyay, hayeeshe waqti dheeraad ah lagu daray sababo la xiriira in la ballaariyo oo ay ka qeyb galaan, siyaasiyiinta kale iyo qeybahaa kala duwan ee Bulshada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here