Shir gaar ah oo u socdo Guddoonka Golaha Shacabka & Musharixiinta

0
390

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdirahman iyo ku xigeenkiisa Cabdiwali Sheekh Ibrahim Mudey ayaa goor dhow ku biiray Shirka Wadatashiga Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2020 – 2021 ee maalintii sadexaad ka socda Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ku xigeenkiisa iyo Musharixiinta Madaxweyne ayaa waxaa u socda shir gaar ah oo ay uga wada hadlayaan arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha jira ee ku aadan guddiyada doorashooyinka.

Duhuradii Maanta ayay aheyd markii uu shirka tegay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kamid ah Mas’uuliyiinta Guddiyada doorashooyinka oo ay Magacaawday Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here