Maamulka G/Hiiraan oo xal ka gaaray Saraakiil kasoo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle

0
127

 

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu weliyo Taliyaha Nabadsugida  Gobolka Hiiraan  Colaad Cabdullahi Dalabeey oo gaaray deegaanka Ceelgaal ee Waqooyiga Magaalada Beledweyne  ayaa ku guuleystay xallinta tabasho ay qabeen saraakiil hore oo dowladda Soomaaliya ka tirsan oo deegaankaasi ka waday abaabul Ciidamo Maleeshiyaad ah.

Saraakiisha ayaa kasoo horjeeay doorashadii ka dhacday Magaalada Beledweyne oo ay kusoo baxeen Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen & kuxigeenkiisa Yuusuf Axme Hagar ( Dabageed).

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali  Jeyte Cismaan ayaa kulan la qaatay  saraakiisha tabasho badan ka qabay hannaanka dhismaha Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Sarkaal lagu Magacaabo Janaraal Abuukar Xuud oo kamid ahaa musharaxiintii ka hartay tartanka Madaxweynaha Hir-Shabeelle, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen in Nabadda laga wada shaqeeyo waxii tabasho ah oo jirana wada hadal lagu dhameeyo.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada iyo maleeshiyaadka abaabulka ka waday degaanka Ceelgaal ay Beledweyne dib ugu soo laabteen, iyaga oo la kulmi doona Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe oo Beledweyne tagaya & kuxigeenkiisa oo halkaasi ku sugan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here