Kulan qarsoodi ah oo dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo Dhaxal Sugaha Sacuudiga

0
115

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohamed Bin Salman ayaa yeeshay kulan qarsoodi ah, sida ay ku warantay warbaahinta maxalliga ee dalka Israa’iil. Kulankan ayaa ka dhacay Neom ee dalka Sacuudiga, halkaasoo diyaarad qaas ah xalay fiidkii ka dejisay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu oo uu wehliyay Madaxa Sirdoonka Mossad Yossi Cohen.

Sidoo kale waxaa kulankaas qeyb ka ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Pompeo.

Kulankan qarsoodiga ee dhex maray Netanyahu iyo Mohamed Bin Salman ayaa qaatay muddo shan saacadood, iyadoo labada dhinac uga wada hadleen soo celinta xiriirkii caadiga ahaa ee labada dal.

Maamulka Trump ayaa si weyn uga soo shaqeeyay xiriir dhex mara Israa’iil iyo labada dal Carbeed ee Imaaraadka iyo Baxreyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here