Faa Faahino Kasoobaxaya Qaraxyo Ka Dhacay Shabeellaha Hoose

0
88

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa geystay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac, waxaana Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay duleedka degaanka leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxyada oo ahaa miinaca nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamada Bangaraafta ee uu Mareykanka tababaro xilli ay marayeen duleedka degaanka leego, iyaga oo ka ambabaxay Garonka diyaaradaha Balli-doogle, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo askarta kasoo gaartay qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in qaraxy uu qabsaday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada, isla markaana ay ku geeriyoodeen ku dhawaad lix Askari kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana askarta qaraxa ku dhintay kamid ah Nin lagu Magacaabi jiray Cabdirashiid Cali Guuleed.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin qaraxaas, hayeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay qaraxaas, iyaga oo sheegay inay ku dileen 12 Askari oo ka tirsan Ciidamada uu Mareykanka tababaray ee Bangaraafta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here