Qaar kamid ah murashaxiinta xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa ugu baaqay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland in xubnaha ay u soo magacaabeen guddiga doorashada heer federaal ka saaraan xubno ay sheegeen inay ka tirsan yihiin shaqaalaha rayidka.
Horey murashaxiintan waxay uga qayliyeen guddiyadii doorashada ee ay soo magacaabeen madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.