Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Shabeellaha Hoose oo xilka la wareegay

0
492

 

Guddoomiyihii maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ee dhawaan uu xilka ka qaaday madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub ee gobolkaas Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ka dib munaasabad kooban oo ka dhacday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafladda xilwareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed, gobolka Sh/hoose iyo kan degmada Baraawe, waxayna dhammaan mas’uuliyiintii goobta ka haddashay ay bogaadiyeen shaqadii wanaagsaneyd uu soo qabtay guddoomiye Najax mudadii 20-ka billood uu xukunka hayay.

Qoraal kooban oo uu guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose ee maamul K/galbeed Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebooka ayuu ku yiri.

“Gobolka Shabellaha hoose oo aan soo xukumayay 20-kii billood ee la soo dhaafay waxaan gaarnay guulo waa weyn innagoo xaqiijinay fulinta mashaariicyo muhiim u ah bulshadda sida Tabbabaridda maamulada,Daadajinta nidaamka dowliga ah,qodista kannaalo ay ku diirsadeen bulshadda, xureynta deegaano iyo degmooyin,hirgelinta in maamulka gobolka uu yeesho xafiis u si buuxdo ugu shaqeeyo, hirgelinta leerarka ku shaqeeya Cadceeda, furista wadooyin xirnaa, Dhismaha xarumaha ay ku shaqeenayaan maamulada Degmooyinka,Saldhigyada Booliska,MCH-yo iyo la dagaalanka Al shabaab oo dhibaata ku hayay shacabka”

 

Ugu dambeyntii, wuxuu u mahaceliyay cid kasta oo ku garabsiiyay shaqooyinkii uu soo qabtay, wuxuuna si gaar ah u bogaadiyay madaxweynaha K/galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo u ogolaaday inuu u adeego Bulshadiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here