Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha oo war laga soo saaray (Akhriso)

0
381

 

 

Shirka Wadatashiga ee maanta Muqdisho uga furmay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa maalintii koowaad soo gabagaboobay, iyadoo warbaahinta la siiyay warbixin kooban.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya inay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Musharaxiinta ay isu yimaadeen, isna cafiyeen ayna meesha ka saareen madmadowgii dhexdooda ahaa, meelna uga soo wada jeestaan sidii marxalada haatan uu dalka ku jirto uga gudbi laheyd, waxaa uu xusay in baaqooda uu yahay nabad iyo dowladnimo sal adag, doorashooyin xor ah oo xalaal ah, xukunka hadda jira aan lagu heysan inay tartamaan balse qalooca ay geliyeen doorashada ay rabaan inay saxaan.

Daahir Geelle ayaa sheegay in aanan mar dambe la aqbali doonin Guddi ay ku jiraan Nabadsugida.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in shirkooda sii socon doono maalmaha soo socda loogana gol leeyahay helista howl ay aheyd in ay dowlada maanta jirtaa horkacdo, isagoo dowlada ku eedeeyay in ay diidantahay sidi loo heli lahaa jawi doorasho oo la isku aamini karo isoo ugu baaqay dowlada in ay ka tanaasusho damaca guracan ee kujira kaa oo ay kusoo xushay ama u magacaawday dad ay geysay meelihi ay lahaayeen meelo aan aheyn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in cid amniga ama muqaabaraad ka dalka u xilsaarneed shaqadeeda loo daayo oo aanan loo adeegsan arimo doorasho.

“Waan isu nimid, culees jiro dartii Ayaan isugu nimid, waan arinsanay, waa is cafinay, waan go’aan sannay arinkaan inaan wax ka qabano, waan awoodnaa inaan wax ka qabano, shirkaan intuu socdo markaata briefing ayaan idin siin doonnaa, tashiyo ayaan wadnaa waajibaad ayaan kala qaadanay xaaladuhu wey soconayaan baaqeenu waa nabad”ayuu yiri Daahir Geelle.

Shirkan ayaa la filayaa in maalinta Isniinta la soo gabagabeeyo, waxaana laga soo saari doonaa War murtiyeed ku saabsan go’aamo ku saabsan xaalada doorashada ee dalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here