Xasan Sheekh iyo Safiirka Ingiriiska oo ka wada-hadlay Arrimaha Doorashooyinka

0
404

 

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD) Xassan Sheekh Maxamud iyo safiirka dowladda UK u jooga Soomaaliya Ambassador Ben Fender ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa kawada hadlay xilliga kala guurka ah ee siyaasadda Soomaaliya, ayagoo kulankooda diirada ku saaray caqabadaha hor taagan doorasho heshiis lagu wada yahay oo Soomaaliya ka dhacda.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD) ayaa uga mahad celiyay safiirka dowladda UK u jooga Soomaaliya Ambassador Ben Fender taageerada ay mar walba siiyaan Soomaaliya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here