Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaannada Banaadiriga oo ka dhaxeysa Magaalada Muqdisho.
Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood Xubnood waxaa kaliya ay maamuli doonaan doorashada Xildhibaannada Beelaha Banaadiriga ee lagu dooranayo Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ay kasoo baxday Warqadda Magacaabista Guddiga ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay Warqadda in doorashada Xildhibaannada Beelaha Banaadiriga ay u dhaceyso habraaca soo jireenka ah.