Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Khamiis ah lagu Aaso Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib, kaas oo shalay ku geeriyooday halkaas.
Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa guddi u saartay Aaska meydka Marxuum Cumar Carte oo bilihii la soo dhaafay ku xanuun sanayay Magaalada Hargeysa, balse ugu dambeyn geeriyooday.
Meydka Marxuum Cumar carte ayaa waxaa lagu wadaa in lagu Aaso Qabuuraha Baqiic ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, waxaana ka qeyb-galaya Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno ka tirsan Mas’uuliyiinta Maamulkaas.
Sidoo kale Aaska meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib ayaa waxaa ka qeyb-geli doona madax kala duwan oo katageysa Magaalooyin kamid ah Gobolada dalka iyo dibadda.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib ayaa sidoo kale mar soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana kaalin muuqato uu ka geystay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya,waxaana aaskiisa aan ka qeyb-galeyn mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.