RW Rooble oo Magacaabay Xubno Cusub oo Guddiyada doorashooyinka

0
452

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha dowladda Federaalka uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiyada oo ka kooban 15 Xubnood ayaa waxaa ay noqonayaan kuwo lagu dhameystirayo min 8-da Xubnood ee ka imaanaya dhinaca Shanta Dowlad Goboleed.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan weli dhankooda soo Magacaabin Guddiyada doorashooyinka ee heer dowlad Goboleed, sababo la xiriira Xubnaha mucaaradka iyo musharixiinta Madaxweynaha oo sheegay in Guddiyadii horay loo Magacaabay inay ku jiraan Xubno ka tirsan NISA iyo Shaqaalaha Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here