Dowladda Soomaaliya oo kubaaqday in wadahadal Lagu dhameeyo Dagaalka ka socda Itoobiya

0
344

 

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalka ka socda Waqooyiga dalka Itoobiya ee u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF ,kaas oo sababay geerida Boqolaal qof iyo barakaca kumanaan kale.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladaha kasoo cusboonaaday dalka Itoobiya, waxaana lagu baaqay in wax walba wada-hadal lagu dhameeyo.

Hoos ka Akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay walaac ka muujisay xaaladda soo shaac baxday ee Itoobiya. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay mar kale ku celineysaa taageerada ay u hayso midnimada Itoobiya, waxayna ku baaqeysaa in wada hadal lagu dhammeeyo is afgaranwaaga ka dhex jira Itoobiya. Soomaaliya, deris ahaan iyo saaxiib ahaanba waxay diyaar u yihiin inay ku bixiyaan taageero buuxda baadi goobka loogu jiro soo afjaridda xaaladda hadda ka taagan Itoobiya.

Soomaaliya waxay ka dhawaajineysaa baaqyo ka yimid gobolka oo ahaa in si deg deg ah oo nabad ah lagu xaliyo khilaafka ka taagan Itoobiya. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay qabtaa in hadda, in ka badan sidii hore, in gobolkeennu u baahan yahay in la xoojiyo tabarucaadka wadajirka ah iyadoo la higsanayo yoolka guud ee nabadda iyo amniga si kor loogu qaado fursadaha dadkeenna. Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa midnimada ay la leedahay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuurka, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here